Sawiro;-Kulanka isku xirka Hay’addaha Gargaarka iyo Wasaarada Gargaarka ayaa ka Dhacay Magaalada Baydhabo

0
7

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Abdinaasir Abdi Aruush ayaa Gudoomiyey Shirka isku xirka Hay’addaha Gargaarka iyo Wasaarada Gargaarka kaasi oo ka dhacay Xarunta Wasaarada Gargaarka ee Magaalada Baydhabo.

Shirka oo ay goobjoog ahaayeen Madax ka socotay hay’adda Qaramada Midoobay gaar ahaan xafiiska isku xirka howlaha gargaarka bani’aadanimo. Madaxda Hay’addaha kala duwan ee ka howlgala guud ahaan Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Gargaarka.

kulanka Intii uu socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray diyaargarowga xaaladaha bani’aadanimo ee la filayo inay sii xumaadaan bilaha soo socda iyo sidii si wadajir ah wax looga qaban lahaa saameynta xaaladahaas.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa hay’adaha samafalka ku boorriyay in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wada shaqeynta dowladda, si loo gaaro natiijo wax ku ool ah oo ka jawaabaysa baahiyaha bulshada.

                  Codka Bay & Bakool