Madaxweyne Xasan Shiikh iyo qaar kamid ah Xubnaha Mucaaradka shir uga socdo Villa Somalia

0
15

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta ayaa shir uga socdaa magaalada Xarruunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya siyaasiyiinta kala ah Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ilo ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in kulanka diiradda lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhacdadii maanta lagu joojiyay safar ay xubnahan mucaaradka ah ku tegi lahaayeen magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku dayaya in xal laga gaaro khilaafka siyaaadeed ee ka soo cusboonaaday deegaannadda Koofur Galbeed, gaar ahaan in siyaasiyiinta loo oggolaado tagida magaalada Baydhabo.