Maxaa looga Hadlay Kulankii Aqalka Sarre ee Maanta.?

0
13

Guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka Sareee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta shir gudddoomiyay kalfadhiga 7-aad kulankiisa afaraad oo ay maanta soo xaadireen 28-Sanatar.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Dad-dhigista iyo Xaaladaha Madaniga ah iyo sii wadista ka doodista warbixin ku saabsan ka talo bixinta kaalinta Aqalka Sare ee Arrimaha Dowladaha Xubinta ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ugu horrayn Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Sadad Caliyow, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare ka hor jeediyay akhrinta koowaad ee Sharciga Dad-dhigista iyo Xaaladaha Madaniga ah, isagoo si faahfaahsan uga hadlay qodobada sharciga iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Intaasi ka dib Sanatarrada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa gudagalay doodda sii wadista warbixin ku saabsan ka talo bixinta kaalinta Aqalka Sare ee Arrimaha Dowladaha Xubinta ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyagoo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo maangal ah oo ku aaddan doorka matadaadda Aqalka Sare ee dowlad Goboleedyada.