Xujayda 1447/2026 oo waqti hore lasii diiwaangelinayo

0
9

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa xujayda sanadka 1447 Hijirya oo waafaqsan 2026 fartay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo gudbiyaan isu diiwaangeliyaan si xogtooda loogu gudbiyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda ayaa shirkadaha diyaaradaha ee ruqsadda u helay qaadista iyo adeegista Xujayda Soomaaliyeed ku amartay in ay ka qabato baasaboorrada iyo waxyaabaha kale ee looga baahan yahay Dadkaan si diiwaankooda loo kaydiyo.

Xaaji weliba waxaa laga doonayaa in uu bixiyo lacagta sanadkaan Jaangoysay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Islaamka oo ah $4,543.5 waxaana waqti hore lasii diyaarin doonna teendhooyinka, hoteellada & goobaha kale ay degayaan Xujayda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka aqriso 6da qodob ee Wasaaradda soosaartay

1-In dhamaan xujeyda Soomaaliyeed eesanadka 1447/2026 ee dooneysa inay soo gutaan waajibaadka xajka ay si deg deg ah isaga diiwaan geliyaan, islamarkaana ay baasaboorada geeyaan xafiisyada shirkadaha adeegga xajka ee ay ruqsadda siisey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

2-In dhammaan xujeyda ay si deg deg ah u bixiyaan lacagta lagu xajinayo sanadka 1447/2026 ee ay horey u shaacisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, ugu dambeyn 20 November 2025, taasoo ah lacag dhan $ 4,543.5 (afar kun shan boqol afartan iyo seddex iyo bar dollar oo keliya).

3-In Shirkadaha adeega Xajka ay qiimeyn hordhac ah ku sameeyaan xaaladda guud ee badqabka caafimaad ee xaajiga/xaajiyada, maskax ahaan, jir ahaan iyo muuqaal ahaanba.

4-In Shirkadaha adeegga Xajka ay xaajiga/xaajiyada Soomaaliyeed la galaan heshiis shaqo oo ay ku cad yihiin waajibaadka laga rabo shirkadda iyo xuquuqda Xaajiga leeyahay, si waafaqsan heshiiska shaqo ee ay shirkaduhu kula jiraan Wasaaradda.

5-In Shirkadaha loo egmadey bixnta adeega xajka ay xogta xaajiga/xaajiyada oo dhameystiran kusoo diraan SYSTEM – ka Wasaaradda ee la siiyey user-adiisa.

6-In dhamaan xamladaha iyo Shirkadaha adeegga xajka ay ku wacyigeliyaan xujeyda Soomaaliyeed inaan laga dhoofi karin, garoon aan ahayn garoomada diyaaradeed ee ay Wasaaradda u asteeysey inay ka dhoofaan xujeyda Soomaaliyeed, kuwaasoo kala ah Muqdisho, Hargeysa, Garoowe iyo Boosaaso.

Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in keliya xujaydu ay ka safri karaan afar garoon diyaaradeed oo keliya oo kala ah, Muqdisho, Hargaysa, Garoowe iyo Boosaaso.