Taageerayaasha koox ka socota Israa’iil oo laga mamnuucay ciyaar ka dhacaysa Dalka UK.

0
16

 Cutubyo ka tirsan booliiska qaranka oo ka talo bixiya ammaanka ciyaaraha kubadda cagta ayaa taageeray go’aanka looga mamnuucay taageerayaasha Maccabi Tel Aviv ciyaarta bisha soo socota ka dhici doonta Birmingham.

Waaxda Bilayska ee sugta ammaamka Kubadda Cagta UK, oo ka kooban saraakiil sarsare, waxay talo siisaa ciidamada booliiska ee England iyo Wales.

Bayaan ay soo saareen, cutubku wuxuu ku sheegay in ay uga warbixiyeen wasaaradda arimaha gudaha usbuucii hore arrimaha suurtagalka ah ee mas’uuliyiinta laga yaabo inay la kulmaan, oo ay ku jiraan xayiraado lagu soo rogo taageerayaasha imaanaya.

“Waa muhiim in aan ixtiraamno oo aan taageerno nidaamka la dajiyay ee jira si loo gaaro go’aamadan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Haddii ay dhacaan wax shil ah, markaas Kooxda La-talinta Badbaadada iyo Badbaadada Isboortiga] ayaa qaadi doono mas’uuliyadda.”