Madaxweynaha DFS oo ku wajahan Laascaanood & Diyaargarow ka socda Magaaladaas

0
15

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Magaalada Laascaanood xarunta Maamulka Waqooyi-bari halkaas oo soo diyaargarowga lagu soo dhaweynayo ay ka socoto.

Sawirka Madaxweynaha iyo ereyo ka tarjumaya soo dhaweyntiisa Magaalada Laascaanood oo lagu xardhay boorar la suray Magaaladaas ayaa la arkayaa, waxa ay tani ka dhigaysaa in muddo dheer kaddib Magaaladaan uu tagayo Madaxweyne Soomaaliyeed.

 

 

Wararka Mustaqbal ay heleyso ayaa sheegaya in wafdiga Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo socdaalkaan u noqonaya markiisii labaad uu tago magaaladaan.

Waxa ay ka qaybgalayaan xaflad lagu caleemo-saarayo Madaxweynaha iyo ku xigeenka Maamulka Waqooyi-bari, waxa ay sidoo kale samayn doonnaan kulamo gaar gaar ah oo ay la qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Dowlad-Goboleedkaas.

Dhismaha maamulka Waqooyi-bari ayaa soo idlaaday dhammaadkii Bishii Agoosto sanadkaan 2025, waxa uu maamulkaas ka dhex dhismay Dowlad-Goboleedka Puntland iyo Somaliland oo labada dhinac sooma dhaweyn iyaga oo Dowladda Dhexe ku eedeeyay dhismaha maamulkaan.