Soomaaliya iyo Azerbaijan oo wada saxiixday heshiis is afgarad ah.

0
11

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa maanta kala saxiixday heshiis ka dhaafaya fiisaha baasaboorada diblumaasiga ee labada dal, taasoo xoojinaysa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee labada dowladood.

Heshiiskan ayaa lagu kala saxiixday magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Balcad), uu is-afgarad rasmi ah la galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Samir Sharifov.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed, iskaashiga dhaqaale iyo midka horumarineed, iyadoo lagu ballamay in la sii amba-qaado wada-shaqeyn cusub oo labada dal ka dhexeeya.

Heshiiskan cusub ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay xoojineyso xirirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Dowladda Azerbaijan.