Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay soo celinta xiriirka dalkaasi uu la lahaa Ruushka, xilli uu kulan gaar ah magaalada Moscow uu kula yeeshay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Al-Sharaa, oo safarkiisii ugu horreeyay isagoo matalaya Suuriya ku tagey Ruushka ayaa sheegay in dowladiisa ay ka shaqeynayso sidii loo ilaalin lahaa madax-bannaani iyo midnimada dhuleed ee Suuriya.
“Waxaan isku dayeynaa inaan dib u soo celino xiriirka si uu u noqdo mid madax-bannaan, mid ilaalinaya midnimada iyo amniga Suuriya,” ayuu yiri isagoo ka hadlayey qasriga Kremlin-ka.
Madaxweynaha Suuriya ayaa sidoo kale ballanqaaday in dowladdiisu ay ixtiraami doonto dhammaan heshiisyadii hore ee Moscow iyo Dimishiq ku dhex maray.
Wakaaladaha Reuters iyo AFP oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Al-Sharaa kulankan Madaxweynaha Ruushka ku weydiiyay in lagu soo wareejiyo madaxweynihii hore, Bashar al-Assad, oo muddo 10 bilood ah magangalyo ka heysta dalkaasi Ruushka.
Balse bayaanka rasmiga ee ka soo baxay shirarka Ruushka iyo Suuriya laguma soo saarin warka sheegaya in Bishaar Al asad lagu wareejinayo Dowladda Suuriya.
Kulankan ayaa noqonaya mid xasaasi ah, maadaama Ruushku ahaa saaxiibkii ugu weynaa ee Bashar al-Assad xilligii uu talada hayay, halka dowladda cusub ee Al-Sharaa ay u muuqato mid isku dayaysa inay si taxaddar leh u dheellitirto xiriirka ay la leedahay Moscow iyo madax-bannaanida cusub ee Suuriya.