Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashada shalay lagu doortay sagaal xubnood oo Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay xildhibaannada, isagoo
ku booriyey xubnahan in ay si firfircoon uga shaqeeyaan danaha iyo codka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaannadan laga sugayo in ay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaale iyo bulsho ee Bariga Afrika, isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in ay kaalin ka qaadato ururka goboleedka bulshada bariga Afrika oo ay ku mideysan yihiin sideed dal.