Wasiirka Fiqi “Bannaanbax lama diidin ee waxa aan diidanahay hubka Dadka loogu hanjabayo”

0
10

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday Mucaaradka Dowladda kasoo horjeeda isaga oo sheegay in aanay suuragal noqon Karin hub uu sheegay in ay ku hanjabayaan.

Axmed Macallin Fiqi ayaa meesha ka saaray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday Dibadbaxa mucaaradka balse ay diidan yihiin hub uu sheegay in ay ku hanjabayaan Mucaaradka sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

“Bannaanbax lama diidin, Dowladdana ma diidin, waxa aan ka hadalnay hubka Dadka loogu hanjabayo, hadda ayaan leenahay hub masoo qaadan kartid, bannaanbax aad tabeelahaaga wadatid waa kuu furan yahay” Ayuu yiri, Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in haddii Dood ay qabaan xubmaha Mucaaradka ay diyaar u yihiin lana joogaan hoteellada ay degen yihiin balse wixii la xiriira hub iyo awood sheegasho aanay la aqbali Karin sida uu yiri.

Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ayaa dhowr jeer is dhaafsaday hadallo kulul, waxaa laga digay saamaynta ka dhallan karta hadalladaas, Mucaaradka ayaa dhowaan baajiyay dibadbax uu ku dhawaaqay balse toban cisho ayay qabteen in ay ku qabanayaan.