Xildhibaannada Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo maanta la dooranayo

0
13

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dooranaya xubnaha Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Bulshada Afrika, waxaa loo codaynayaa musharrixiinta diiwaangashay ee ku kala baxaya codaynta labada Gole.

Guddoonka Labada Gole Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa fariin wargelin ah u diray Xildhibaannada si ay maanta qayb uga noqdaan codaynta xubnaha Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Bariga Bulshada Afrika.

Saacadii lasoo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho ka socday kala xod-xodasha Xildhibaannada iyo Senatarrada codaynaya, si Musharrax weliba uu u gaaro hadafkiisa ah ku guulaysiga kursiga doonayo in uu Soomaaliya ku metalo.

Soomaaliya ayaa markii ay xubin buuxda ka noqotay Dalladda Bulshada Bariga Afrika EAC waxa ay qaadday tallaabooyin looga baahan yahay in ay soo buuxiso si ay u dhammaystirto shuruudaha rasmi ah ee xubinnimada ururkaas.

La soco wixii kasoo kordha