Kulan maanta ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa diirada lagu saaray arrimo la xiriira xaaladda Koofur Galbeed gaar ahaan qabashada Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyo xubno kale.
Kulanka oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin ayaa lagu falanqeynayaa xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo sidii loo dardar-gelin lahaa qabashada doorashada maamulkaas, si loo soo afjaro muranka ka dhashay muddo kororsiga Madaxweynaha dowlad goboleedkaasi.
Sidoo kale, madaxda iyo siyaasiyiinta kulanka joogta ayaa ka dooday arrimaha la xiriira xannibaadaha dhanka socdaalka ee lagu soo rogay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Koonfur Galbeed, iyadoo laga hadlayo sidii xal waara looga gaari lahaa arrintaas si ay u suurtagasho doorasho xor iyo xalaal ah.
Weli Madaxtooyadda Soomaaliya faahfaahin kama bixin kulankaan.