Saciid Maxamed Raage Wasiirka Dekadaha Puntland oo la hadlay warbaahinta degaanada maamulkaasi ayaa faah faahin ka bixiyay Khilaafka cirka isku sii shareeray ee u dhaxeeya ganacsatada Boosaaso iyo Shirkadda DP-world.
Wuxuu sheegay muhiim in ay tahay in la dejiyo xiisada, maadaama uu tilmaamay heshiiska lala galay DP-world inuu yahay mid sharci ah oo soo maray dhammaan Hay’adaha Puntland.
Shalay tii ka dhacday Boosaaso waa la ogaa, oo waxaa halkaasi ka dhacay Banaanbax rabshado wata, oo ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeedba.
Ugu yaraan labo ruux ayaa la xaqiijiiyay inay ku dhinteen dibad baxa, halka kuwo kalena ku dhaawacmeen,waxaa sidoo kale burbur la gaarsiiyay goobo ganacsi.
Dekeda Boosaaso ayaa muddo todobaad albaabada u laaban, kaddib markii ay la wareegtay Todobaadyo ka hor shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.
Shirkaddan ayaa dayactir iyo ballaarin ku sameyn doonta Dekeda Boosaaso, waxaana tallaabada Maamulka Puntland uu ugu wareejiyay ka soo hor-jeestay qeybaha kala duwan ee bulshada.
w\q\wariye cabdullaahi qanciye