Maamulka degmada Marka oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha degmada Cusmaan Muuse iyo saraakiisha amniga, ayaa maanta qaaday tallaabo adag oo ka dhan ah mukhaadaraadka, gaar ahaan xashiishadda.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu beegsaday beero si qarsoodi ah loogu tacbiyay xashiishad, kuwaas oo si buuxda loo burburiyay isla markaana laga jaray dhammaan dhirta mukhaadaraadka ahayd.
Guddoomiyaha degmada ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax loo dulqaato oo la xiriira dadka ku lugta leh beerista, faafinta ama isticmaalka mukhaadaraadka, isagoo bixiyay amar adag oo lagu xoojinayo la dagaallanka daroogada.
Sidoo kale, Taliyaha NISA ee degmada ahna Guddoomiye ku xigeenka Amniga, Maxamed Sheekh, ayaa ku hadlay magaca saraakiisha amniga, isagoo xusay in maamulka iyo laamaha ammaanku si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo khatar ku ah bulshada, wuxuuna digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay ka ganacsato ama faafiso mukhaadaraadka.
Howlgaladan ayaa noqon doona kuwo joogto ah si loo sugo badbaadada, caafimaadka iyo mustaqbalka jiilka cusub ee deegaanka.