Ciidanka Taliban ee talada Maamulka Afghanistan gacanta ku haya iyo kuwa Pakistan ayaa ku dagaalamay xadka labada Dal kala qaybiya, waxa uu dagaalkaan daba socday weerar horraantii todobaadkaan ka dhacay Magaalada Kabul.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Afghanistan Enayatullah Khwarizmi ayaa sheegay in weerarkaan uu jawaab u ahaa duullaankii Pakistan ay ku qaadday Caasimadda Dalkaas ee Kabul, waxaana uu ku hanjabay in ay falcelin kale samayn doonnaan.
Dalal badan oo dhaca Bariga Dhexe ayaa walaac ka muujiyay dagaalka labada Dal, waxaa ay ku baaqaan in ay wada hadlaan Kabul iyo Islamabad si looga baaqsado dagaal daba-dheeraada oo Bariga Dhexe saamayn taban ku reeba.
Pakistan ayaa ku doodday in ay ku raad-joogto koox ay u aqoonsan tahay ‘Argagisixo’ oo fadhigeedu yahay Dalka Afghanistan, waxaa arrintaas diiday dhinaca Afghan oo sheegtay in aanay jirin koox halis ku ah Pakistan oo dhankooda jirta.