Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo soosaaraya xeer lagu xakamayno Dareeska Ciidanka, Hubka & Gaadiidka Dowladda

0
4

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaariyay qaraar la xiriira xakamaynta dharka ciidanka, hubka iyo Gaadiidka summadaha leh ee Ciidamada Dowladda, dhowaan ayaa lagu shaacin doonnaa fadhiga golahaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in aanay suuragal noqon Karin in markale uu dhaco weerar ‘AS’ u adeegsato Gaadiid loo ekeysiiyay kuwa Dowladda iyo dharka ciidankaba.

Axmed Fiqi ayaa intaas ku daray in wax laga bartay weerarkii Godka Jilacow ee AS u adeegsatay Gaari loo buufiyay sida kuwa Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, natiijada kasoo baxday dabagalkana dhowaan lasoo saari doonno.

“Ma jiri Doonno Gaari Ciidan, Askari iyo Hub aan hayb lahayn oo iska dhexmara Waddooyinka Magaalada Muqdisho, Baabuurtii shacabka markii ay kasoo dhammaadeen ayay isku ekeysiiyeen ciidanka, Golaha Wasiirrada ayaa xeer kasoo saari doonna” ayuu yiri Wasiirka Gaashanadhigga XFS Axmed Macallin Fiqi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan soo bandhigtay Gaarigii ‘AS’ ay u adeegsatay weerarkii ay ku qaadday Godka Jilacow, Ragga gudaha u galay xarunta ayaa xirnaa dharka ciidanka hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka NISA.

Wixii ka dambeeyay baahinta muuqaalkaas, waxa ay Dowladda billowday in baraha hubinta Gaadiidka lagu hubiyo Gawaarida ay wataan ciidamada, talisyada kala duwan ee ciidanka ayaa soosaaray warqado ay ku muujinayaan u hoggaansanaanta amarkaas.