Golaha Shacabka BFS oo u codeeyay Guddiga Madaxabannan ee Xuquuqul-Insaanka

0
12

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod u qaaday ansixinta Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul-Insaanka oo ugu dambayn helay codka 142 Xildhibaan halka uu ka aamusay hal Mudane sida uu sheegay guddoonkooda.

Xubnaha guddiga ayaa lagu hor dhaariyay Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad, waxaana horyaalla gudashada Waajibaadka loo dhisay guddigaan oo ah in uu maamulo arrimaha Xuquuqul-Insaanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul-Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa soo dhaweysay u codaynta guddigaan iyada oo ku tilmaamtay guul kale oo dalka gaaray.

“Waxaan uga mahad celinayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS sida sharafta leh ee ay maanta noogu ansixiyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka” ayay tiri Wasiir Khadiija Al-Makhsuumi.

“Ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka waa guul weyn oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waana taariikh mug leh oo ay Soomaaliya qortay maanta Ka Wasiir ahaan waxaa sharaf ii ah inaan maanta Taariikhdaas qorideeda hormuud u ahay” ayay sii raacisay hadalkeeda.

Wasiir Khadiija ayaa intaas ku dartay in Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul-Insaanka howshiisa muddo dheer socotay, tallaabadaan la qaadanayna ay caalamka u direyso in Soomaaliya ay ka dhabaysay horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

“Dhaarinta iyo ansxinta Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo guushii dhowaan ay Soomaaliya kasoo gaartay shirkii Xuquuqul Insaanka QM ee magaalada Geneva waxa ay  qeyb ka yihiin guullaha isdaba joogga ah ee ay Xukuumadda Dan Qaran ka gaartay fagaarayaasha caalamka iyo dhismaha hay’adaha Dowliga” ayay hadalkeeda kusoo gabagabaysay Wasiirka Qoyska & Horumarinta Xuquuqul-Insaanka.

Soomaaliya ayaa maalmo kahor dib ula soo laabatay maamulka Xuquuqul-Insaanka kaddib codayn lagu sameeyay shir ka dhacay Magaalada Geneva ee xarunta Switzerland, waxaana la dhowrayaa waxyaabaha uu qabto guddigaan.