16ka iyo 17ka Bishaan waxaa furmaya madasha Ganacsiga ee Turkiga & Afrika iyada oo uu daah-furayo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaa lagu soo bandhigayaa faa’iidooyinka labada dhinac ay kala heleen sanadkii hore iyo sii adkaynta wadashaqaynta ka dhaxeysa.
Turkiga ayaa Afrika ka helay Fursado Suuq Ganacsi oo u iibgeeyo waxyaabaha dalkaas uusoo saaro halka uu ka qaato badeecadaha kala duwan ee dalkiisa looga baahan yahay si faa’iidooyinka wax is dhaafsiga loo kordhiyo.
Afrika waxa ay Turkiga ka faa’iidaysay lacag dhan $7.7 Bilyan oo doollar halka Ankara ay iyanna heshay faa’iido dhan $14.6 Bilyan oo doollar, tani waxa ay muujinaysaa in is dhexgalka Ganacsiga uu xooggaysatay muddo kooban gudahood.
Waxyaabaha uu Turkiga u iibkeenay Afrika waxaa kamid ah
Mashiinnada, Birta, Qalabka Korontada, Cuntada sida Burka, Baastada, Saliidda iyo kuwo kale oo dalkaas laga soo qaado, lacagta lagu iibiyayna dib ugu laabato Ganacsatada Turkiga sida lagu sheegay Warbixinta lasoo saaray.
Turkiga waxa uu Afrika ka qaatay qalab u badan kuwa beeraha si ganacsatada dalkiisa ay uga faa’iidaystaan muhiimadda ay u leeyihiin qalabkaas, Ankara ayaa doonaysa in ay kordhiso iskaashigaan waana tan keentay in shirkaan labada cisho ah u qabanayso.
Dalalka uu Turkiga doonayo in uu kordhiyo wax kala iibsiga waxaa kamid ah Masar, Marooko, Aljeeriya & Liibiya sida lagu sheegay Warbixintaan, waxaana sanadka soo socda la gaarsiin doonnaa maalgelinta mid ka badan tan hadda.
Madasha Dhaqaalaha iyo Ganacsiga looga hadlayo ee Turkiye/Africa waxaa furi doonna Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaa ku casuumay Marwada koowaad ee dalkaas Emine Erdogan & mas’uuliyiin kale.
In ka badan 4,000 oo Ganacsade Afrikaan ah ayaa ka qaybgali doonna, waxa ay soo bandhigi doonnaan badeecadaha ay qaataan iyo kuwa Turkiga loo dhoofiyo si lo xoojiyo wadashaqaynta labada dhinac sida lagu warkaan.
Turkiga waxa uu Soomaaliya soo galay sanadkii 2011, xiligaas waxa uu hoggaanka u hayay kaalmadii bani aadamnimo ee lagu caawiyay Dadka abaaruhu saamaynta taban ku reebeen, wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa xooggaystay cilaaqaadka kala dhaxeeya Soomaaliya oo u gudbay Ganacsiga, Militariga & Waxbarashada.s