Galmudug oo sheegtay in Maxkamad lasoo taagayo Dadka gaysta Dilalka aanooyinka & kuwa gacansiiya

0
8

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Dowlad-Goboleedka Galmudug Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa sheegay in maxkamad lasoo taagayo Dadka Gaysanaya Dilalka aanooyinka iyo kuwa gacanta ku siinaya falalkaas.

Khaliif ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan qaar kamid ah Dadkii gaystay dilalkii arxan-darnaa ee ka dhacay Deegaannada Dowlad-Goboleedka Galmudug gaar ahaan Rag dilay Hooyo iyo Gabdho ay dhashay.

Waxa uu sheegay in Maxkamad lasoo taagayo si loogu qaado ciqaabta ay leeyihiin isla markaana digniin ugu noqoto Dadka kale ee ku howlan daadinta dhiigga Dadka rayidka ah ee birimageeda ah sida uu hadalka u dhigay.

Deegaannada Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa muddooyinkii dambe kusoo kordhay dilalka aanooyinka la xiriira ee lagu dilayo Dadka indheer-garadka ah iyo Haweenka iyada oo arrintaan digniin culus laga soosaaray.