Golaha Wasiiradda XFS oo ansixiyay heshiisyo Soomaaliya la gaartay saddex dal?

0
8

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo uga hadlay xaaladda guud ee dalka.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa warbixinno looga dhageystay Wasaaraddaha Amniga, Difaaca iyo Waxbarashada.

Golaha ayaa ansixiyay saddex heshiis is afgarad ah oo Soomaaliya ay la gaartay talalka Uganda, Qadar iyo Aljeeriya, kuwaasi oo dhammaan la xiriira Waxbarashada.

Heshiisyada ayaa kala ah:

1-Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, kuna saabsan Waxbarashada.

2- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, oo ku saabsan Tacliinta Sare

3.Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya kuna saabsan Tacliinta Sare Cilmi Baarista.

Heshiisyadaan ayaa la filayaa in la horgeeyo Xubnaha labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya si ay rasmi u noqdaan, sida ku qoran Dastuurka dalka.?