Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ayaa maanta u codeynaya Qaraarka Soomaaliya ay kula soo wareegeyso Maareynta Madaxabannaan waajibaadkeeda Qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka oo QM maamuli jirtay.
Shirweynaha 60aad ee Xuquuqul Insaanka oo maanta lagu soo gabagabayn doonno Magaalada Geneva ee xarunta Dalka Switzerland, Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay dedaal gelisay sidii ay dib ugu soo ceshan lahayd si madaxbannaan ay u maamusho arrimaha Xuquuqul Insaanka.
Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirar doceedyo la qaadatay dalalka xubnaha ka ah Golaha Xuquuqul Insaanka iyada oo taageero xooggan ka heshay Dalal badan.
Soomaaliya waxaa u dhisan 11 xubnood oo ka shaqeynaya Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, waxaa intaas dheer in Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka meelmariyay qaraar ku saabsan gunaanadka xilka Xeeldheeraha Madaxabannaan ee Xaaladda Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.
Isbaddelka Soomaaliya ay sanadihii dambe samaysay waxaa kamid ah in laga qaaday cunaqabatayntii Hubka ee muddo dheer saarnayd Dalka, Daynta laga cafiyay, Kursiga Golaha Ammaanka oo ay heshay cod ay ku fadhiisatay iyo guullo kale.