Soomaaliya oo ka qaybgalaysa Shirka looga hadlayo Qaxootiga ee ka socda Switzerland

0
7

Magaalada Geneva xarunta Dalka Switzerland waxaa ka socda shir looga hadlayo arrimaha Qaxootiga iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka sababtay in ay dadkaas isaga cararaan ama naftooda kala baxsadaan dalkooda Hooyo.

Soomaaliya ayaa kamid ah Dalalka Qaxootiga martigeliyay iyo kuwa ay ka maqan yihiin Dad Qaxooti ah kuwaas oo xaaladaha kala duwan ee waddanka soo maray sabab u noqdeen in ay wajahaan dhibaatooyinkaas ay uga tageen dalkooda.

Shirkaan waxaa Soomaaliya ku metalaya Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadaad Maxamed Nuur Caliyow & Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha Axmed Xuseen Cilmi.

Madasha ayay la tageen qaxootiga dalka ku sugan ee sanadihii lasoo dhaafay Soomaaliya soo galay, sida ay tahay heerka noloshooda, kaalinta Dowladda Federaalka ee la socodka Dadkaas & xal u helista Mustaqbalka dhow sida dib ugu celinta dalalkooda.

Sidoo kale, Soomaaliya waxaa dalal kala duwan uga maqan Qaxooti ka barakacay xaaladihii adkaa ee dalka uu soo maray, waxaa socda iskaashi guud oo dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay isaga kaashanayaan xal u helista barakaca Dadka.