Jaamacadda Carabta oo War kasoo saartay Qaraxii Hoteelka Naasa hablood October 30, 2017

0
828

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa war deg deg ah kasoo saaray Qaraxii  lagu hoobtay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoteelka Naasa Hablood2.

War kasoo baxay Xoghayaha Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in uu ahaa Qaraxaasi mid aad looga naxo oo lagu xasuuqay Shacab oo aan waxba galabsan.

Ururka Jaamacadda ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladda.

Warka kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa loogu tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxaasi.

Waxaa sidoo kale warka lagu sheegay in  ay ka go’an tahay garab istaagga Soomaaliya.

In ka badan 29 qof ayaa ku dhimatay Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad loo adkeeyay,waxaana ka socday howlgallo lagu xaqiijinaayay Ammaanka.

14-kii Bishaan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Qaraxii ugu weynaa ee Abid ka dhaca Soomaaliya, waxaana uu sababay dhimashadda ku dhawaad 400 oo qof.

 

 

w\q\  wariye cabdullaahi qanciye