Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Soomaaliya & Ilhaan Cumar jawaab kulul siisay

0
6

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markale weerar afka ah ku qaaday Soomaaliya isaga oo tusaale aan isku dhigmin ku dhinac dhigay Xisbiga Siyaasadda ay isku hayaan ee Dimuqraadiga, waxa uu durba la kulmay jawaab culus oo uga timid dhanka Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Trump ayaa tusaale usoo qaatay in Xisbiga Dimuqraadiga uu yahay mid aan hoggaamiye lahayn oo jahwareersan isla markaana xusuusiyo Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay, isaga oo yiri “Dimuqraadigu ma lahan Hoggaamiye, waxa ay I xusuusiyaan Soomaaliya”.

Intaas kaddib, Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa barteeda X (Twitter) soo dhigtay qoraal ay uga jawaabayso Hadallada aan ka fiirsiga uusan u dhihin Madaxweynaha Donald Trump ee ugu gafay Soomaaliya, shaqsiyaddeeda iyo Xisbigeedaba.

“Maalin cusub, Sheeko been ah oo isla mid ah, Donald Trump waa nin aan xishoon, Cunsuri ah oo Musuqmaasuq iyo been sheegid isku darsaday, waad ku mahadsan tahay dareenka arrintaan” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Donald Trump ayaa dhowaan la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo u sheegay in uu Ilhaan Cumar u wado dalkeeda asalka ah balse wuu ka diiday, muddo oo sheekado dansanayd haatan ayuu dib usoo faagay Trump.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa horay isaga caabisay weerarro Afka ah oo uga yimid Donald Trump & xubno katirsan Xisbigiisa Jamhuuriga ah, waxa ay ku sheegtay in uu u baahan yahay in la baro shuruucda Dalkaas iyo kan caalamiga ah.