Eretareeya oo raadinaysa in laga qaado cunaqabatayn saaran.

0
9

Dowladda Eretareeya ayaa raadinaysa dhabbihii ay u mari lahayd in Maraykanka uu ka qaado cunaqabataynta muddo kahor uu saaray, dedaallo kala duwan oo Washington & Asmara sameeyeen si ay isku fahmaan ayaa miiska lasoo dhigay soo jeedintaas oo aan weli lagu guulaysan.

Diblumaasiyiin u dhashay Dalka Eretareeya ayaa soo jeediyay in Maraykanka uu qaado tallaabo uu meesha uga saarayo cunaqabatayntaas oo dhibaato siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho ku ah Dalkaas, waxa ay diyaariyeen qorshe cad oo Madaxweyne Donald Trump loogu gudbinayo arrintaan.

Eretareeya ayaa sababaha ay cunaqabataynta u mutaysatay lagu sheegay in colaad muddo soo jiitamaysay ay ku wajahday Itoobiya oo ay ka go’day 1993dii, faragelin ay ku samaysay Soomaaliya iyo xaaladaha siyaasadda ee Gobolka Geeska Afrika oo galaangal xooggan ku yeelatay Dowladdaas sida hadalka loo dhigay.

Maamulkii xiligaas Maraykanka joogay ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horgeeyay qaraarka lagu xoojinayay cunaqabataynta 23kii December sanadkii 2009 oo Asmara lagu eedeeyay in ay taageertay ‘AS’ waxaana loo cuksaday qaraarka tirsigiisu yahay 1907, 13 dal ayaa xiligaas u codaysay cunaqabatayntaan, hal dal ayaa diiday mid kalena wuu ka aamusay.

Maraykanka iyo Eretareeya ayaa sanadihii u dambeeyay isaga soo dhawaanayay sidii hore balse Maamulka Madaxweyne Donald Trump ma qaadan go’aan uu ku qaadayo cunaqabataynta mar haddii sidii hore aanay ahayn Xukuumadda Asmara, waxaa socda dedaallo Washington looga dhaadhicinayo sida wararku sheegayaan.