Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in taageero cusub oo dhaqaale ah laguna xoojinayo dhinaca Amniga Soomaaliya, lacagtaan oo meelo kala duwan la marinayo ayaa ujeedkeedu yahay in lagu xoojiyo nabadgalyada Dalka sida hadalka loo dhigay.
Kaalmada Ingiriiska waxaa lagu kala bixinayaa howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM & Ciidamada Amniga Soomaaliya oo loo marinayo Xafiiska taageerrada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loona soo gaabiyo UNSOS.
In ka badan $30 Milyan oo doollar una dhiganta £22.5 Milyan oo Pound, tani waxa ay sal adag u tahay taageerrada kala guurka amniga Soomaaliya, waxaana usii dheer $8 Milyan oo doollar iyo $22 Milyan oo kale sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay UK.
Wasiirka Horumarinta Ingiiriska, Baroness Chapman ayaa sheegtay in ka badan 10 sano ay caawinayaan Soomaaliya, waxaana ay intaas ku dartay in ay sii socon doonnaan taageerrada London ee Muqdisho si loo xaqiijiyo Mustaqbalka Bulshada & Ganacsiga kobcaya.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxaa tan iyo sanadkii 2021kii Dowladda Ingiriiska uga baxay lacag dhan $140 Milyan oo doollar, ujeedka ay Britain ka leedahay waxa ay ku sheegtay in la dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’
Xafiiska UNSOS waxa uu Soomaaliya ka taageeraa 18,900 oo Ciidanka Xoogga ah iyo Booliis isugu jira guud ahaan Dalka, waxaana Dowladda Ingiriiska uga baxday tan iyo 2021 lacag ka badan $58 Milyan oo doollar una dhiganta £46 Pound.
Arrintaan ayaa timid kaddib markii howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee fasaxa tirsigiisu yahay 2741 ka haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dalbaday kaalmo dhaqaale haddii aan la helina xaaladdu adkaan karto.