Maraykanka oo xiray nin Soomaali ah oo doonayay inuu usoo safro Soomaaliya si uu ugu biiro Daacishta?

0
9

Dowladda Mareykanka ayaa xirtay nin Soomaali ah oo ay xeer ilaalinta Minnesota ku eedeeysay inuu doonayay inuu ku biiro ururka Daacish.

Abdisatar Axmed Xasan, oo 23-jir ah, ayaa loo xiray markii hay’adaha ammaanku ogaadeen inuu baraha bulshada ku amaanay ururka ISIS, labo jeerna uu isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro, Daacish, isla markaana muujiyey rabitaan uu Maraykanka wax ugu dhimi lahaa.

Xeer-ilaaliyaha ku-xigeenka Mareykanka, Joe Thompson, ayaa yiri: “Cabdi Sataar wuxuu duubay calanka ISIS, una dabaaldegay weerarro lagu qaaday dalkiisa. Ma oggolaan doonno in Minnesota ay noqoto hoy ama meel aamin ah oo loo aado argagixiso doonaya inay fal galaan.”

Intii dacwaddu socotay, ninkan ayaa qirtay dambigiisa. Xukunkiisa ayaa la go’aamin doonaa dhowaan.

Wakiilka Gaarka ah ee FBI ee xafiiska Minnesota, Alvin M. Winston Sr., ayaa yiri:

“Qiyaasta xukunka maanta waxaa ka dambeeyey saacado badan oo shaqo adag ah oo ay fuliyeen wakiillada iyo falanqeeyayaasha FBI. Minnesota in laga ilaaliyo taageerayaasha ururada argagixisada ee dibadda loo calaamadeeyey sida ISIS iyo Al-Shabaab waa mudnaanta koowaad ee FBI. ISIS iyo Al-Shabaab waxay halis cad u yihiin dhammaan Mareykanka.”

Qoraallada Xasan ee baraha bulshada waxaa ka mid ahaa amaan loo jeediyey ISIS iyo weerarro argagixiso oo ay ku jirto weerarkii Janaayo 1, 2025, ee New Orleans, kaas oo lagu dilay 14 qof, isaga oo qofka weerarkaas fuliyay ku tilmaamay “halyeey.”

Bishii Febraayo, Xasan wuxuu baraha bulshada ku soo dhigay muuqaal muujinaya isagoo haysta calanka madow ee ISIS oo gurigiisa lagu sameeyey.

Baadhayaashu waxay qabteen taleefoonnadiisa gacanta waxayna heleen isweydaarsiyo qoraal ah oo uu la yeeshay qof u muuqday weriye, iyo faylal PDF ah oo qaar Faransiis/Carabi ku qornaa, kuwaas oo tilmaamaya sida loo sameeyo qaraxyada.