Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa ka mid noqon doona martida sharafka leh ee lagu casuumay shirweynaha caalamiga ah ee Doodda Afrika iyo Imaaraadka (The African Debate – UAE), kaas oo ka dhacaya magaalada Abu Dhabi 30-ka Sebtembar.
Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Imaaraadka iyo dalalka Afrika, iyadoo looga golleeyahay in la abuuro maalgashi waara, lana horumariyo ganacsiga iyo iskaashiga laba geesoodka ah.
Waxyaabaha muhiimka ah ee ajendaha shirka ka mid ah waxaa ka mid ah:
Kobcinta xiriirka dhaqaale ee Afrika iyo Imaaraadka.
Maalgashiga tamarta la cusboonaysiin karo.
Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xidhka suuqyada.
Kobcinta hal-abuurka dhijitaalka ah iyo ICT.
Horumarinta wax soo saarka cuntada.
Faa’iidaysiga heshiisyada ganacsi ee Imaaraadka iyo Afrika.
Madasha ayaa marti-gelinaysa hoggaamiyayaal iyo ganacsato caalami ah, waxaana la filayaa inay si toos ah isugu xidhdo maalgashadayaasha iyo suuqyada Afrika iyo Imaaraadka.
Madaxweyne Cirro ayaa kulankan u arka fursad muhiim ah oo Somaliland ay ku soo bandhigto guulaha ay ka gaadhay xasilloonida, dimuqraadiyadda iyo nabadda gobolka, isagoo sidoo kale ka shaqeynaya sidii dalku u soo jiidan lahaa maalgashi istiraatiji ah oo lagu horumarinayo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.