Dowladaha Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo ayaa kawada hadlay sii daynta Maxaabiis ku xiran Dalkaas, kulan ay wada yeesheen Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania Ilyaan Cali Xasan & Safiirka DRC ee dalkaas Jean Pierra Massala waxa ay kawada hadleen arrintaan.
Muwaadiniintaan ayaa ku xiran Magaalada labaad ee ugu weyn Congo ee lagu magacaabo Lubumbashi, waxa uu Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee Dalka Tanzania ballanqaaday sidii loo sii dayn lahaa Dadkaas.
Sidoo kale labada Safiir waxyaabaha ay xoogga saarayn waxaa kamid ah Siyaasadda, Amniga & Ganacsiga, dhinac weliba waxa uu sheegay in uu horumarin doonno danaha labada Dal ka dhaxeeya sida hadalka loo dhigay.
Ganacsato Soomaali ayaa Dalal kala duwan oo dhaca Qaaradda Afrika ku sugan, waxa ay ku leeyihiin goobo Ganacsi iyaga oo halkaas maalgashi ku samaystay, qaarkood ayaa lagu xiray dalalkii ay tageen sababo la xiriira dhinaca sharci.