Khilaafka mucaaradka iyo DFS u dhaxeeyo Maxaa ka dhalan karo.?

0
13

 Soomaaliya waxay maanta taagan tahay marxalad xasaasi ah oo taariikhi ku noqon karta jihada mustaqbalkeeda.

Waa xilli siyaasadeed oo ay isku darsameen dhowr arrimood oo mid walba khatar iyo fursadba xambaarsan.

Muddo xileedkii madaxweynaha oo gabaabsi ah, mucaarad doorasho u diyaar garoobaya, dawlad ku eedeysan inay xoog ku faaruqisay dhulal ay dad ku noolaayeen, iyo bannaanbaxyo mucaaradku ku baaqeen oo laga cabsi qabo inay isu rogaan rabshad, dhammaan waxay abuurayaan xaalad aad u kacsan oo ka dhex aloosan caasimadda Muqdisho oo ah magaalo leh taariikh culus oo mar kasta xuddun u ahayd isbeddellada siyaasadeed ee dalka.

Haddii si caqli iyo xikmad leh loo maareeyo, xaaladan waxay isu rogi kartaa fursad.

Fursad mucaaradku ku muujiyo awooddooda siyaasadeed iyagoo cabashadooda ku gudbinaya si nabadeed, dawladduna ku muujiso dulqaad iyo dabacsanaan iyadoo ilaalinaysa xuquuqda muwaadiniinta.

Waa fursad lagu dhisi karo dhaqan siyaasadeed oo cusub.Taariikhda dunida waxay na bartay in dalal badan ay xaalado sidan oo kale ah uga gudbeen iyadoo la adeegsaday dulqaad iyo wada-hadal.

Tunisia intii ka dambeysay kacdoonkii 2011 waxay ku guuleysatay in khilaaf siyaasadeed oo ba’an lagu xaliyo hannaan wada-tashi.

Waxa taas ka muuqata in hoggaan caqli badan iyo mucaarad mas’uul ah ay dalka ka badbaadin karaan burbur, ayna abuuri karaan tusaale guul ah.

Marka dawladdu isku daydo inay mucaaradka ku caburiso ciidan, waxay keeni kartaa in bannaanbaxyo nabadeed isu rogaan rabshado.

Haddii mucaaradku iyaguna bannaanbaxyada u adeegsadaan kicinta shacab iyo hurinta xiisad, waxay abuuri karaan xaalad gacan ka hadal ah oo aan cidna ka faa’iideysan.

Waxaa lama huraan ah in la xasuusto in bannaanbaxu uu yahay xuquuq dastuuri ah, balse ilaalinta nabadda iyo amniga bulshada waa masuuliyad dawladeed.

Dawladdu waa inay muujisaa dulqaad iyo dabacsanaan, iyadoo bannaanbaxyada u ogolaanaysa inay dhacaan si sharci iyo nabad ah, isla markaana ka ilaalinaysa inay isu rogaan qalalaase.

Mucaaradkuna waa inay muujiyaan mas’uuliyad siyaasadeed, ayna caddeeyaan in ujeeddadoodu aysan ahayn rabshad ama firaaq siyaasadeed oo lagu kiciyo dalka, balse ay tahay in codkooda iyo cabashadooda loo maqliyo si nabad ah.

Haddii labada dhinac ay qaataan mas’uuliyad, waxaa suuragal ah in Soomaaliya uga gudubto marxaladdan iyadoo nabad lagu ilaaliyo.

Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay hoggaan iyo mucaarad si mas’uuliyad leh u dhaqma, kuwaas oo fahma in shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen rabshad.

Waxaa maanta horyaalla hoggaanka Soomaaliyeed doorasho cad, inay noqdaan kuwii caqliga doortay oo dalka ka saaray khilaaf aan loo baahnayn, ama inay noqdaan kuwii sii fogeeyay riyada shacabka Soomaaliyeed ee ah inay helaan dal nabad ah oo xasiloon.