Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayay sidii dhallinyarada iyo haweenka loogu dhiirrigelin lahaa doorkooda ka-qaybgalka arrimaha deegaanka, ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah iyo la qabsiga isbeddelka cimilada ee gobolka.
Waxaa tababarka ka qaybgalay xubno ka kala socday ururrada dhallinyarada, haweenka, bulshada rayidka ah iyo qaybaha kale ee bulshada, kuwaas oo lagu barayay xirfado iyo aqoon ku saabsan qorsheynta iyo waxqabadka la xiriira deegaanka iyo isbeddelka cimilada
Furitaanka tababarka ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Koonfur Galbeed, Mudane Diini Abdinuur Mohamed, oo ku dhiirrigeliyay ka qaybgalayaasha in ay u istaagaan wacyigelinta bulshada, isla markaana ay hormuud u noqdaan waxqabadka ka dhanka ah caqabadaha cimiladu keento.