Ruben Amorim Oo Cadaadiska ku sii Kordhay

0
10

Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa cadaadis weyn kala kulmaya garoonka Old Trafford, waxaana durba soo baxay musharax doonaya booskiisa.

Kooxda Eintracht Frankfurt oo si heer sare ah uga ciyaareysa Bundesliga – isla markaana soo saartay xiddigo ay ka mid yihiin Omar Marmoush iyo Hugo Ekitike – ayaa tababaraheeda, Dino Toppmoller, qirtay inuu jeclaan lahaa inuu mustaqbalka noqdo macalinka United.

Isagoo la hadlayay wargeyska Jarmalka ee Bild, ayuu yiri:

“Waagii aan ciyaari jiray ciyaaraha kombiyuutarka, hal koox ayaan mar walba dooran jiray: Manchester United. Waa hubaal inay noqon lahayd wax qurux badan mustaqbalka, maxaa yeelay waa naadi cajiib ah. Markii aan dhallinyarada ahaa, Manchester United waxay ahayd – mid lala barbar dhigo Real Madrid – naadiga ugu weyn adduunka.”

Toppmoller ayaa la sheegay in loo bandhigay shaqo iyo heshiis dhan £6 milyan sanadkii oo ka yimid Sucuudiga, balse wuu diiday.

Dhanka kale, Amorim ayaa cadaadiska wax yar ka degey toddobaadkan, kadib markii United ay ku garaacday Chelsea 2-1 kulan ka tirsan Premier League.

Nidaamkiisa 3-4-3 ayaa si weyn loo dhaliilay kaddib guuldarradii ay kala kulmeen Manchester City, hase yeeshee tababaraha reer Portugal ayaa ku adkaystay inuu sii wadan doono nidaamkiisa, taas oo ugu dambeyn guul ka dhalisay kulankii Blues.