Duqa Muqdisho oo digniin u diray Xubnaha Mucaaradka?

0
12

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa, Dr Xasan Mungaab ayaa ka digay dhaqdhaqaaqyada ay xubnaha Mucaaradka ka wadaan Magaalada Muqdisho iyo dhacdadii Saldhiga Warta Nabadda.

Mungaab ayaa xusay in aan dhiiga shacabka Soomaaliyeed xukun lagu gaari karin, isagoo sheegay in ay khalad aheyd saldhig booliis oo

“Saldhigii wardhigley in Dhashiikeyaal ayaa la soo istaaga oo maxaabiista ayaan ka deyna wax la aqbali karo maaha, sidaasi kursi laguma helo” ayuu yiri Mungaab.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay la socdeen dhaqdhaaqyada Mucaaradka iyo meelaha ay doonayeen in ay tagaan oo kamid ahaa Tarabuunka, Siinaay iyo goobo kale, balse ay ka hor tageen laamaha amniga oo xilligaasi diyaar ahaa.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in Xubnaha Mucaaradka ay sidoo kale jabiyeen Xeerka Xakameynta Hubka, iyagoo qoryo waa wayn la tagey Saldhiga degmada Warta Nabadda.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Is rasaaseynta u dhaxeysay Ciidamada Amniga iyo Askar taabacsan Xubnaha Mucaaradka ee ay kamid ahaayeen Madaxweynihii hore, Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisul wasaareyaal hore, Maxamed Xuseen, Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.