Maamulka Puntland ayaa maanta aas qaran u sameynaya Gen Axmed Cabdi Cali (Qalyare), Taliyihii Guutada 2-aad ee Ciidanka Difaaca Puntland, kaasi oo shalay ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Taliyaha ayaa qaraxa kula kulmay agagaarka degaanka Dhasaan ee degmada Qandala, xilli ciidamadu hawlgal ka dhan ah kooxda Daacish ka wadeen halkaas. Qaraxaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawacyo kale oo soo gaaray ciidamo ka mid ahaa ilaalada taliyaha.
Aaska Marxuumka oo maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb galaya, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Lugatoor
,Xubno ka tirsan golayaasha Puntland, saraakiil ciidan, culimaa’udiin, ehelka marxuumka iyo shacabka magaalada.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay in mid ka mid ah wadooyinka Magaalada Garoowe loogu magac dari doono Gen Qalyare.
Ciidamada Puntland ayaa weli wada hawlgallo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraleyda Bari, iyagoo balan qaaday inay sii wadi doonaan dadaallada lagu ciribtirayo khataraha amni ee gobolka.