Xiddiga Chelsea, Cole Palmer, ayaa sameeyay taariikh kadib bandhiggiisii Ballon d’Or ee sanadkan, isagoo kaalinta toddobaad kaga dhammeystay tartanka abaalmarinta ugu sharafta badan kubadda cagta adduunka.
Palmer, oo 23 jir ah, ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 18 gool islamarkaana caawiye ka noqday 14 gool kale 52 kulan oo uu u saftay Chelsea iyo xulka England. Waxqabadkiisa ayaa ka caawiyay Blues inay ku guuleystaan UEFA Conference League iyo FIFA Club World Cup, halka uu sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaatay inay kooxda Stamford Bridge dib ugu soo laabato Champions League, kadib markii ay kaalinta afraad ku dhammaysteen Premier
Xiddiga Chelsea, Cole Palmer, ayaa sameeyay taariikh kadib bandhiggiisii Ballon d’Or ee sanadkan, isagoo kaalinta toddobaad kaga dhammeystay tartanka abaalmarinta ugu sharafta badan kubadda cagta adduunka.
Bandhigga Palmer ayaa taariikhda galay, maadaama uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay tan iyo 2011 ee kaalmaha tobanka sare kaga dhammeeysta Ballon d’Or isaga oo aan ciyaarin Champions League. Neymar ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee sidaas sameeya isagoo u ciyaaraya Santos 14 sano ka hor.
Abaalmarinta sanadkan waxaa ku guuleystay Ousmane Dembélé oo PSG u diiwaan geliyay guushii ugu horreysay ee Champions League, isaga oo sidoo kale qaaday Ligue 1. Lamine Yamal ayaa galay kaalinta labaad kadib markii uu kooxdiisa ka caawiyay hanashada La Liga, halka Vitinha (PSG iyo Portugal) uu kaalinta saddexaad qabsaday, isagoo qayb weyn ka qaatay guulihii PSG iyo Nations League ee qarankiisa.