Maclumaad ku saabsan ammaanka garoonka Heathrow oo laga helay meel wado ah

0
620
Garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London
Image captionGaroonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London

Maamulka garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo sida uu ku baxay macluumaad ku saabsan ammaanka garoonka diyaaradaha kaddib markii cajalad ay ku keydsantahay maclumaad la xiriira ammaanka heathrow laga helay goob wado ah.

Jariirada the Sunday Times ayaa kusoo warrantay in cajaladaasi ay laheyd sideed qaanad, oo ay ku keydsanayeen muuqaalo, dukumentiyo, qariirad iyo qaababka lagu sugo ammaanka boqorada Ingiriiska.

Ninka helay cajalada ayaa ku wareejiyay jariirada The Sunday Mirror ee kasoo baxda dalka Britain.

Maamulka garoonka ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameyeen dhamaan qorsheyaasha lagu sugo ammaanka, ayna tahay mid sir ah oo lagu sugo ammaanka garoonka.

Wargeyska ayaa waxaa uu sheegay in ugu yaraan 174 dukumenti oo ku keydsan cajalad nooca USB-ga loo yaqaano laga helay goob wado ah. Waxaana ay aheyd mid xadidan, balse la daalacan karay.

Mid kamid ah dukumentiyada ayaa waxaa ku qornaa weeraradii dhawaan ka dhacay dalkaasi iyo nooca khatar ee uu wajihi karo garoonka diyaaradaha ee Heathrow.

Jariirada The Sunday mirror ayaana markii dambe cajaladaasi ku wareejisay madaxa sirdoonka ee garoonka, kuwaa oo markii dambe bilaaby baritaan ku aadan arrintaasi.

Garoonka Heathrow ayaa kamid ah meelaha sida aadka loo ilaaliyo dalka Britain, madaama dalkaasi ay ka dhaceen weeraro argagixiso. Waxaana ilaa iyo imika aan la ogeyn sida maclumaadkaasi uu ku baxay.

 

 

w\q\ wariye cabdullaahi qanciye