Calanka Falastiin oo laga taagay magaalooyin badan.

0
12

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa si rasmi ah u aqoonsan doona dowlad Falastiiniyiin ah magaalada New York maantay oo Isniin ah, taas oo ay taageerayaan dhowr waddan oo kale oo Yurub ah, isagoo ku tilmaamay tallaabada Faransiiska mid “lagama maarmaan ah”.

Isaga oo si adag u raacaya go’aanka UK, Canada iyo Australia, Macron wuxuu sheegay in tallaabadiisu ay noqon doonto “bilawga geeddi-socod siyaasadeed iyo qorshe nabadeed iyo ammaan qof walba ah”.

Faransiiska ayaa sida UK leh miisaan diblumaasiyadeed oo la taaban karo maadaama labada dal ay yihiin xubno joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo G7, waxayna isku dubaridayaan dhaqaajinta arntan iyaga iyo Sacuudigu shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee toddobaadkan.

Paris kuma biiri doonto laba ka mid ah dawladaha kale ee waaweyn ee Yurub ee G7, Jarmalka iyo Talyaaniga, mana aha sidoo kale sida Maraykanka.

Israa’iil ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid abaal-marin u ah Xamaas, waxaana safiirkeeda Qaramada Midoobay uu ku tilmaamay dhacdada Isniinta mid maaweelo ah.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeystay in aysan jiri doonin dowlad Falastiiniyiin ah oo ka xigta galbeedka Webiga Urdun, waxaana madaxweyne Isaac Herzog uu sheegay in aqoonsiga kaliya uu “xoojinayo xoogagga mugdiga ah”.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Noël Barrot ayaa ku adkaystay in tillaabada waddankiisu ay tahay “diidmo guud” oo Xamaas ah, balse waxa uu sheegay in ay tahay “astaan, degdeg ah iyo mid siyaasadeed, taas oo muujinaysa sida ay Faransiisku uga go’an tahay xallinta labada waddan”.

Barrot ayaa ka hadlay ku dhawaaqida Macron oo ah “guul dublamaasiyadeed oo weyn oo u soo hoyatay dalkeena”.

Paris ayaa sheegtay in Belgium, Luxembourg iyo Malta ay sidoo kale qarka u saaran yihiin inay ku dhawaaqaan aqoonsi rasmi ah, oo ay la socdaan gobolada yar yar ee Andorra iyo San Marino. Portugal ayaa goor dambe oo Axaddii ah ku dhawaaqday go’aankeeda.

Ka hor ku dhawaaqista Macron, calamada Falastiiniyiinta iyo Israa’iil lagu dhejiyay daarta Eiffel habeenkii Axadda. Tiro ka mid ah xarumah dowladda hoose ee magaaloyinka Faransiiska ayaa sidoo kale waxaa ka babanayay calanka Falastiin maantay oo Isniin ah, in kasta oo ay dawladdu amar ku siisay maamullada maxalliga ah inay ilaaliyaan dhexdhexaadnimada.

Mudaaharaadyo lagu taageerayo Falastiin ayaa sidoo kale ka dhacay Talyaaniga, ilaa 80 magaalo iyo magaalooyin ku yaal Talyaaniga, halkaas oo xukuumadda Giorgia Meloni ay dhawaan sheegtay inay “wax-soo-saar la’aan tahay” in la aqoonsado dowlad aan jirin.

Jarmalka, dawladdu waxay sheegtay in dawladnimada Falastiin aysan hadda ahayn mid laga doodi karo, wasiirka arrimaha dibadda Johann Wadephul ayaa sharaxay markii uu u dhoofay New York Isniintii “Jarmalka, aqoonsiga dawlad Falastiin aad u weynyahay marka uu dhamaado hanaanku. Laakiin haanaankani waa inuu bilaabmaa hadda”.

In kasta oo Jarmalku yahay mid ka mid ah xulafada aadka ugu dhow Israa’iil ee Yurub, haddana hoggaamiyahooda, Friedrich Merz, wuxuu noqday mid aad u dhaleeceeya jawaabta milatari ee Israa’iil ee Qasa.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa sidoo kale xoojiyey luqadooda ka dhanka ah Israa’iil toddobaadyadii la soo dhaafay. Madaxa Guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa ku baaqday in la soo afjaro usbuucii hore “dhacdooyinka naxdinta leh ee Gaza ka dhacaya maalin kasta”.

Wareysi uu siiyay CBS News goor dambe oo Axadii, madaxweyne Macron wuxuu kaga hadlay qorshe lagu go’doominayo Xamaas.

Marxaladda koowaad waxay ku lug yeelan doontaa xabbad-joojin, siideynta dhammaan la haystayaasha iyo ka dib xasilinta Gaza, ayuu sharraxay. Midda labaad waxay ku lug yeelan doontaa maamulka iyo dib u dhiska Gaza, iyo “tan saddexaad oo ah, aragtida laba dawladood”.

Furitaanka safaaradda Faransiiska waxay ku xiran tahay sii deynta la haystayaasha weli ay haystaan Xamaas, ayuu ku nuuxnuuxsaday.

Laakin tillaabada caanka ah ee Macron ee Qaramada Midoobay ayaa la kulmay dhaleeceyn uga timid qaar ka mid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Jordan Bardella, oo ka tirsan xisbiga midigta-fog ee Rally National, ayaa sheegay in ay ahayd “khalad, halka Xamaas ay weli gacanta ku hayso lahaystayaal Israa’iil ah”, wuxuuna tilmaamay in ay ka dhigan tahay “in ay abaal-marin u tahay falkii waxashnimada ahaa ee dhacay 7-dii Oktoobar [2023], intii lagu jiray weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ay abid ogaato dawladda Israa’iil.