Puntland: “Haddii aan la badbaadin dowladnimada Soomaaliya, dalku wuxuu ku noqon doonaa fowdadii 1991”?

0
7

Puntland ayaa ka digtay in haddii aan la ilaalin oo la badbaadin dowladnimada Soomaaliya, uu dalka uu dib ugu laaban doono xaaladdii fowdada iyo dowlad la’aanta ahayd ee ka bilaabatay burburkii dowladdii dhexe ee 1991.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu laba jeer helay fursad uu ku hoggaamiyo dalka balse uu Soomaaliya gadaal u celiyay, islamarkaana ku xadgudbay dastuurka iyo heshiisyadii siyaasadeed ee lagu dhisay nidaamka federaalka.

Lugatoor ayaa sheegay in Puntland ay walaac weyn ka qabto jihada ay Soomaaliya ku socoto, isagoo tilmaamay in kheyraadka qaranku noqday aalad lagu ciqaabo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

Wuxuu intaas ku daray in haddii xaaladdu sidan ku sii socoto, ay dhici karto in maamul kasta qaato aragti gooni isku tag ah, sida ay hore Somaliland ugu dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda 1991.

“Maanta dowladnimada Soomaaliya waxay u muuqataa mid u sii jiheysanaysa aragtida gooni-isu-taagga ee Somaliland ku dhawaaqday sannadkii 1991, halka Puntland ay weli ku taagan tahay difaaca nidaamka federaalka oo tacab badan kaga baxay,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Ugu dambayn, madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku baaqay in la helo dowladnimo Soomaaliyeed oo la wada leeyahay, loo siman yahay kheyaadkeeda. Wuxuu sheegay Puntland inay diyaar u tahay inay kaalinteeda ciyaarto .