Wadanka Eswatini oo 32 Sarkaal Boolis ah usoo Diray Soomaaliya.

0
8

Boqortooyada Eswatini ayaa si rasmi ah u shaacisay dirista 32 askari oo boolis ah oo ku biiraya qeybta booliska ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalka Eswatini ee ku aaddan ka qeybqaadashada howlgalka nabad ilaalinta ee Qaaradda Afrika.

Taliyaha Booliska Eswatini ayaa sheegay in diristan ay caddeyneyso sida ay uga go’an tahay Boqortooyada ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta, iyo difaaca xuquuqda aadanaha meel ka baxsan xuduudaheeda.

Eswatini waxay noqotay dalka 7aad ee boolis u dira Soomaaliya, iyadoo kusoo biirtay wadamadii horey ugu soo diray sida, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone,Uganda iyo Zambia.

Waajibaadka qeybta booliska AUSSOM waxaa ka mid ah, Taageeridda Booliska Soomaaliya (SPF) si ay u sugaan amniga gudaha, u ilaaliyaan bulshada, una xoojiyaan nidaamka kala dambeynta iyo nabadgelyada dadweynaha iyo Dhiirrigelinta awoodda Booliska Soomaaliyeed iyada oo la siinayo talooyin siyaasadeed, horumarinta manhajyada tababarka, iyo bixinta tababaro gaar ah oo la xiriira hoggaaminta iyo maamulka, sida la isku raaco labada dhinac.

Ka qeybgalka Eswatini ee hawlgalka AUSSOM wuxuu muujinayaa ballanqaad dheeraad ah oo ku saabsan taageerada midnimada Afrika iyo xasilinta Soomaaliya, Booliska cusub ee lasoo diray ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka qaataan dhismaha hay’adaha ammaanka Soomaaliya, iyagoo gacan ka geysanaya horumarinta nidaam boolis oo xirfad leh, sharciyad leh, kana jawaaba baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.