Dowladda Masar ayaa markale xaqiijisay taageerada buuxda ee ay u hayso shacabka Soomaaliyeed, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay inay gacan ka geysato dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xaqiijiso nabadgelyo iyo xasillooni waarta.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Masar ay si firfircoon uga qeyb qaadanayso howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), Howlgalkan ayaa loogu talagalay inuu dhiso awoodda dowladda Soomaaliya si ay si buuxda mas’uuliyadda amniga dalka ugu wareegto, ayna u gaarto yoolkeeda ah mustaqbal xasilloon oo barwaaqo ah.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sidoo kale lagu xusay in hadalladaas ay yihiin kuwa ka tarjumaya xaaladda muhiimka ah ee gobolka Geeska Afrika, iyo sidoo kale isbeddellada gudaha Soomaaliya ka socda gaar ahaan dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xoojiso kala dambeynta, sharciyadda iyo la-dagaallanka argagixisada.
Masar ayaa si gaar ah u adkaysay xiriirka qoto dheer ee taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, waxayna ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada siyaasadeed, amni, iyo midka horumarineed ee ay siiso Soomaaliya. Taageeradan ayaa muhiim u ah xilligan, iyadoo Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah oo lagu dhisayo dowladnimo xooggan, loogana hortagayo khataraha amni ee ay wadaan kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo Daacish.