Maraykanka oo Puntland ku bogaadiyay la dagaallanka Daacish iyo sugidda ammaanka xeebaheeda

0
11

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Riley, Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee ka howlgala Afrika, Major General Claude Tudor, iyo Taliyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa Col. Benander, ayaa magaalada Boosaaso kula kulmay Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, si ay uga mahad celiyaan dadaallada Puntland ee la dagaallanka ISIS iyo sugidda ammaanka xeebaheeda.

Saraakiisha Maraykanka ayaa ku bogaadiyay Puntland doorka hormuudka ah ee ay ka qaadato dagaalka ka dhanka ah Daacish, iyagoo xusay in khataraha argagixisadu aysan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, balse sidoo kale ay khuseeyaan gobolka iyo Maraykanka.

Dhinaca kale, Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo horumarinta.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Saraakiisha Hawlgalka Gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika ay kulan doceed la qaateen Saraakiisha Hawlgalka Hillaac ee ka howlgala buuraleyda Calmiskaad.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya, maalmo kaddib markii uu Maraykanku duqayn ku dilay caaqil lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cumar Cabdi, kaasoo lagu eedeeyay inuu ahaa dulaal hubka u kala gudbin jiray kooxaha argigixisada, inkastoo uusan Maraykanka caddayn buuxda bixin.

Lama oga in Puntland iyo saraakiisha Maraykanku kawada hadleen duqaynta ka dhacday gobolka Sanaag, taasoo caro ka dhalisay gobolkaas, iyagoo dadku kasoo horjeesteen duqaynta lagu dilay caaqilka.