Madaxweynaha Soomaaliya oo Qaabilay Xiddigta Caalamiga ah ee Feerka, Ramla Cali?

0
11

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Marwo Ramla Cali, oo si weyn ugu caan baxday ciyaaraha feerka heer caalami, isla markaana ku meteshay magaca iyo calanka Soomaaliya meelo badan oo dunida ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee ay Ramla Cali ka qaadatay kobcinta magaca Soomaaliya ee caalamka, gaar ahaan dhinaca ciyaaraha iyo isboortiga, Madaxweynaha ayaa xusay in Ramla Cali ay tahay tusaale wanaagsan oo dhiirrigelin u ah dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha, kuwaas oo ay u furtay albaabo cusub oo ay kaga qayb qaadan karaan ciyaaraha caalamiga ah.

Ramla Cali waa astaan muujinaysa dadaal, adkeysi, iyo waddaninimo, Waxaa sharaf weyn noo ah in ay magaca Soomaaliya ku metasho masraxyada caalamiga ah, Waa tusaale ay ku dayan karaan jiilasha cusub,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha ayaa gudoonsiiyey Ramla Cali Shahaado Sharaf Qaran, isagoo uga mahadceliyey doorkeeda muhiimka ah ee kor u qaadista sumcadda dalka iyo dhiirrigelinta ciyaaraha Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyey sida ay uga dhabeysay riyadeeda, iyada oo ka soo jeeda bulsho ay caqabado badan hayaan, haddana u istaagtay inay horseed u noqoto isbeddel wanaagsan.

Ramla Cali ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed taageerada ay la garab taagan yihiin, waxayna sheegtay in ay sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto matalaadda wanaagsan ee Soomaaliya, iyo dhiirrigelinta dhalinyarada ku hamineysa horumar iyo guul caalami ah.