Dowladda Jarmalka oo Aqbashay Habraaca Dal-ku-galka Soomaaliland.

0
8

 Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in muwaadiniinteedu marka ay u safraan Somaliland ay raacaan nidaamka fiisaha ee ay Somaliland isticmaasho oo dal-ku-galka lagu qaato madaarradeeda.

Qoraal ay baahisay Hay’adda Socdaalka ee Jarmalka, ayaa lagu sheegay in marka ay noqoto arrimaha socdaalka dadka Soomaaliya u safraya looga baahanyahay dal ku galka danabaysan ee ay dowlada Soomaaliya soo rogtay, lakiin Somaliland dal-ku-gal gaar ah ay leedahay, isla markaana lagu amrayo muwaadiniinta Jarmalku in ay raacaan nidaamka Somaliland marka ay Somaliland u safrayaan.

“Somaliland oo ah waddan halgan ugu jira madaxbannaanidiisa, dal ku galka waxa lagu qaadanaya marka qofku uu yimaado madaarrada Berbera, Borama, Burco, Ceerigaabo iyo Hargaysa, qofka raba in uu 30 cisho joogo waxa laga raba in codsi uu u dirsado, si uu u caddeeyo u jeedada safarkiisa, codsi la’aan waxa laga yaaba in dal ku galka la siin waayo, lacagta fiisaha waxa qaadanaysa Somaliland oo dollar ayaa lagu bixinaya” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay dowladda Jarmalka.

Somaliland ayaa bixisa fiisooyin lagu qaato marka la yimaaddo madaarradeeda, kuwaas oo qofka u saamaxaya inuu joogo muddo 30 maalmood ah iyo kolba intii uu soo qorto ee uu rabo. Si kastaba ha ahaatee, inta badan waxa qofka ajinabiga ah looga baahan yahay martiqaad rasmi ah oo caddaynaya ujeeddada socdaalkiisa.

Somaliland ayaa dhawaan si adag uga soo horjeedsatay nidaamka fiisaha danabaysan ee ay soo rogtay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyada oo sheegtay in amarka Soomaaliya aanu khusaynin Somaliland, isla markaana qof kasta oo sita fiisaha Soomaaliya aanu kasoo dagi karin madaarradeeda.Jarmalka ayaa noqonaya dalkii ugu horeeyay ee si cad u aqbala nidaamka fiisaha Somaliland.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo Isniintii ka jawaabayay su’aallo ay dadwaynuhu waydiinayeen, ayaa sheegay in Puntland oo hore u diiday fiisaha danabysan ee Soomaaliya ay ku qasbantahay in ay aqbasho, lakiin Somaliland uu kiiskeeduyahay mid gaar ah.

“Somaliland kiiskeedu waa gaar oo anaga ayaa ka wadahadli doono lakiin Puntland xaqiiqda ayay iman doonta” ayuu yidhi Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Waxa uu sheegay in nidaamka fiisaha danabaysan looga gol leeyahay in dowlada Soomaaliya ay xoojiso maamulka xiduudaha dalka oo dhan, isla markaana ay ka war hayso dadka so galaya iyo dadka ka baxaya.