Talaado, 16-Sep 2025 {CBB} Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun ku riday dembiile Nadiifo Xasan Cabdiqaadir Cabdulle, oo hore Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ugu soo oogay dacwad culus, taas oo la xiriirta ka mid ahaanshaha Ururka Agagixisada Al-Shabaab, maalgelinta falal argagixiso iyo dhaqidda lacago sharci darro ah.
Baaritaanada iyo Caddeymaha uu Xafiisku horgeeyay Maxkamadda ayaa muu-jiyey in Nadiifo ay akoonkeeda marsiisay lacag gaaraysa $1,237,010 (Hal Milyan, Labo Boqol Soddon iyo Todoba Kun iyo Toban Doolar), Lacagtaas oo loo adeegsaday Maalgalin Argagaxiso, Lacag Dhaqid iyo Fulinta howlaha Argagaxisada.
lyadoo la raacayo caddeymahaas, Maxkamaddu waxay ku xukuntay, 15 sano oo xarig ah, Ganaax lacageed oo dhan $20,000, In la baabi’iyo akoonkeeda laguna wareejiyo Dowladda wixii hanti ah ee akoonkeeda ku jira.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa caddeeyay in ay ka go’an tahay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada iyo dhaqidda lacagta sharci darrada ah.
Waxaa mar kale lagu wargelinay dhammaan cid kasta oo ku hawlan falalkan khatarta ah, in sharciga hortiisa la keeni doono si cadaaladda loo waafajiyo