Guddoomiyaha SoDMA & MW Firdhie oo kawada hadlay Xaaladaha bani aadamnimo ee deegaannada DG Waqooyi Bari

0
9

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Magaalada Laascaanood kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, waxa ay kawada hadleen arrimaha bani aadamnimada ee deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka ee Maamulka Waqooyi Bari iyo mas’uuliyiin kale, waxa ay Hay’adda SoDMA la wadaageen xaaladaha bani aadamnimo iyo taakulada ay uga baahan yihiin Hay’addaan.

SoDMA ayaa horay deegaannada Maamulka Waqooyi Bari gaarsiisay gargaar ka yimid qaar kamid ah Dowladaha Soomaaliya ku gacansiiyay kaalmada bani aadamnimada, balse waxaa weli jirta baahi ay Dadku u qabaan in taakulo kale ay helaan.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee looso gaabiyo SoDMA waxa ay gacanta ku haysaa gargaar bani aadamnimo oo ka kala yimid Dalalka kala duwan kuwaas oo qaarkood kol hore u dirtay Dowlad-Goboleedyada.