Ciidamada Midowga Afrika oo loo Tababaray in ay hortagaan Weerarada AS.

0
6

Ciidamo katirsan Kuwa Difaaca Kenya KDF ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa loo tababaray adeegsiga diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan si ay u helaan xogaha dhaqdhaqaaqa ku wajahan xeryahooda.

18 xubnood oo laga soo dhex xulay ciidanka Kenya ayaa lagu tababaray xero ku taalla Degmada Dhoobley, waxaa la baray qaabka loo adeegsanayo diyaaradaha Drones-ka ee yaryar si ay ula socdaan dhaqdhaqaaq weliba oo ka dhan ah saldhigyadooda.

Xafiiska taageerada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay UNSOS ayaa ku taageertay tababarkaan ciidanka Kenya si ay u xoojiyaan xirfadda lagu adkaynayo amniga xeryahooda, la socodka dhaqdhaqaaqa ka socda agagaarkooda & nabadgalyada ciidankaas.

Taliyaha howlgallada Ciidanka Kenya ee Magaalada Dhoobley Kornayl Morris Wasomi ayaa sheegay in adeegsiga Drones-ka ay u fududeyneyso in si dhow loo helo xogaha hareeraha xeryaha ciidankooda si looga hortago cid weliba oo halis ku ah.

Qaramada Midoobay oo Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM taageerta ayaa tababar joogta ah siisa qaybaha kala duwan uu ka kooban yahay howlgalkaan, waxyaabaha inta badan la baro waxaa kamid ah qaabka ay isku difaacayaan iyo sida looga hortago xadgudub ka dhici kara.