Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub?

0
43

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Midowga Yurub oo ay hoggaamineyso Danjire Francesca Di Mauro.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay Iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee la xiriira dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Safiirka Midowga Yurub ayaa caddeysay in ay Soomaaliya ka taageeri doonto dhinacyada, nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Xamse ayaa soo dhaweeyay Safiirka cusub, isagoo tilmaamay in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo sii wadi lahaa wada-shaqeyntooda.

Midowga Yurub ayaa kamid ah dhinacyada Soomaaliya ka taageera dagaalka AS iyo taageerada caalamiga ah ee binu aadanimada.