MW Xasan Sheekh “Arday badan oo Shahaado Jaamacad haysta ayaa noo joogto oo aan u qalmin in la dhaho jaamici waaye”

0
11

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay jiraan Jaamacado aan tayadooda gaarsiisnayn heerkii la rabay, Guddiga sare ee tacliinta ayuu faray in uu fursad siiyo haddii isbaddel laga waayana la xiro.

Howlgalka Guddiga Sare ee Tacliinta ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud usoo jeediyay in uu noqdo mid Bulshada ay wada arki karto si go’aanka lagu xirayo uu u noqdo mid wada ogyahay sida uu hadalka u dhigay.

 “Jaamacado badan oo magac ah oo maanta furan oo aan u waynay sabab aan u xirno in uu guddiga tacliinta sare naga qaabili doonno, Jaamacaddu hannaankaas hasoo gaarto ama albaabada hala isasaaro oo la dhahao Jaamacad ma noqon kartid ee raali ahaaw, weliba waxa aan soo jeedinayaa in guddigaas howlgalladiisa uu noqdo mid public ah (Mid muuqata) dadka Soomaaliyeed in ay arkaan” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay jiraan Arday badan oo haysta shahaado Jaamacadeed balse aan u qalmin, sababta arrintaas keentay waxa uu ku tilmaamay in aanay helin Waxbarasho tayo leh sida uu hadalka u dhigay.

“Arday badan ayaa noo joogto oo shahaado jaamacadeed wato oo aan u qalmin in la dhaho jaamici waaye maanta, waa maxay nin baa guri meel ka furtay oo lacagta ka gurtaa, waxa uu leeyahay Shahaado Jaamacadeed ayaan haystaa, markii la dhaho ma haysatid Shahaado Jaamacadeed ee dib u noqono way ku adag tahay” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.