Masar oo ku eedeysay dowladda Itoobiya inay shaki gelinayso ciidamadeeda .

0
9

 Dowladda Masar ayaa si dadban uga jawaabtay hadaladii safiirka Itoobiya ee uu ku duray ciidamada Masar ee la keenayo Soomaaloya, iyada oo ku tilmaamtay in Addis Ababa ay abuurayso shaki ku saabsan ujeedooyinka Masar ee Soomaaliya.

Ilo diblumaasiyadeed oo Dowladda Masar ka tirsan ayaa sheegay in Itoobiya ay isku dayayso in ay khalado aragtida ku saabsan ka qaybgalka ciidamada Masar ee hawlgallada AUSSOM ee Soomaaliya.

Waxay ku eedeeysay Itoobiya in ay abaabulayso in dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay ka horyimaadaan ciidamada Masar ama diidaan inay la shaqeeyaan ciidamada la keenayo Soomaaliya.

Masar ayaa caddeysay in hawlaheeda Soomaaliya ay yihiin kuwo hufan, ku dhisan iskaashi, isla markaana aysan lahayn qorshe qarsoon oo ka dhan ah Itoobiya. Ciidamada Masar ayaa lagu sheegay in ujeedadoodu tahay iskaashi nabad ilaalin iyo taageero la dagaalanka kooxaha argagixisada sida al-Shabaab, oo aan wax khatar ah ku hayn Itoobiya.

Ka qaybgalka Masar ee hawlgallada ATMIS ayaa si rasmi ah waxaa u soo dhoweeyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, taasoo tilmaantay in uu ka tarjumayo doorka sii kordhaya ee Masar ee xasilloonida iyo ammaanka Soomaaliya.

Golaha Nabadgelyada iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa horey u ansixiyay ka qaybgalka Masar, iyada oo sidoo kale la dhammeystiray tababarka ugu horreeyay ee ciidamada Masar ee loogu diyaariyay hawlgalka nabad ilaalinta.

Bishii Agoosto 2024, Masar iyo Soomaaliya waxay saxiixeen borotokool iskaashi milatari oo soconaya 2025–2029, iyadoo Masar sidoo kale u dirtay Muqdisho qalab milatari.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in ka qeybgalka Masar ee howlgalka AUSSOM uu yahay go’aankan madax-bannaan oo dhex maray labada dal, ayna Itoobiya waxba saamayn ku yeelan karin.