“Biljamka waxa uu Dowlad u aqoonsanayaa Falastiin .

0
12

Dowladda Biljam ayaa sheegtay in fadhiga guud ee Qaramada Midoobay ee qabsoomaya 9ka ilaa 23ka bishaan Sebteembar 2025 ay ku aqoonsan doonnaan Dowladda Falastiin maadaama xaalado adag ay wajahayaan Shacabkeeda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Biljamka Maxime Prevot ayaa Tallaabadaas dhinac dhigay in ay cunaqabatayn saari doonnaan Israa’iil oo falal ka dhan ah Aadanaha ka gaysatay Dhulka Falastiin gaar ahaan Magaalada Gaza.

Prevot Waxa uu sheegay in aanay suuragal noqon Karin indhaha uun in laga daawado dadka u dhimanaya cunno la’aanta ay sababta u tahay Israa’iil sidaas awgeed uu waajib ku yahay cid weliba oo damiir damqada leh in ay aqoonsato Dowladda Falastiin.

“Biljamka waxa uu Dowlad u aqoonsanayaa Falastiin marka la tago fadhiga guud ee Qaramada midoobay, xayiraad ama cunaqabatayn ayaan saari doonnaa Israa’iil ” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Biljamka, Maxime Prevot.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Bishii Julaay waxa uu si toos u sheegay in la joogo waqtigii la aqoonsan lahaa Dowlad ay yeelato Falastiin kana shaqeysa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira Dalkaas.

Xukuumadda Paris ayuu tilmaamay in ay fadhiga guud ee Qaramada Midoobay ee New York ka qabsoomaya 9ka ilaa 23ka Sebteembar miiska soo dhigi doonto dooddeeda ku saabsan in ay aqoonsan tahay Dowladda Falastiin.